Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashaxiinta Isbeddel-doonka Oo U Tanaasulay Abuu Mansuur Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Murashaxiintii Koonfur galbeed ee ku Midoobey isbeddel-doonka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay u tanaasuleen murashaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kooxdan waxaa ay adkeeyeen xuquuqda dastuuriga ee dastuurka federaalka siinayo dadka reer koonfur galbeed inay yeeshaan maamul hoosaadkooda u madaxbannaan.

Waxay sidoo kale qoraalka  ku xuseen  inay jirto faragelin toos ah oo ay dowladda federaalka ku heyso nidaamka doorasho ee Koonfur galbeed.

Duruufahan iyo qaar kale oo ay tahay rabitaanka bulshada ayey sheegeen inay go’aansadeen in murashaxooda uu noqdo Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow.

Doorashada ayaa Baydhabo ka dhici doonta 5ta bisha soo socota

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this