Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiisha Maxkamada CQS oo la kulmay Guddiga A/Diinta ee BFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiisha ugu sareysay ee maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxay ay hortageen Guddiga arrimaha Diinta, Awqaafta iyo Garsoorka ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiinta maxkamada ka socotay oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha maxkamada Liibaan Jenaraal Liibaan Cali Yarow, waxaa wehliyay Gudoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xubno ka socday xafiiska xeer-illaalinta dalka ayaa sidoo kale kulanka ay qaateen masuuliyiintaan qayb ka ahaa, kaasi oo lagu lafaguray hanaanka cadaaladeed ee dalka iyo sidii loo shacabka Soomaaliyeed loogu xaqsoori lahaa.

Sidoo kale, madaxda ayaa inta uu socday kulankooda waxay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan wadashaqayn buuxda oo dhex-mara Guddiga iyo maxkamadaha dalka si loo gaaro cadaalad.

Dhanka kale, xarunta Villa Hargeysa waxaa kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga Gadiidka, Dekadaha iyo Wadooyinka Golaha Wakiilada Shacabka ayaa kulan yeeshay, xili ay kawada hadleen sharciga duulista Hawada.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-3.mp3

The post Saraakiisha Maxkamada CQS oo la kulmay Guddiga A/Diinta ee BFS appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this