Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse iyo siyaasadda Geeska…W/Q Maxamed Awil

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadalkii madaxweynuhu ka jeediyay Burco ee ku saabsanaa arrimaha ka socda Geeska afrika, waxa uu u muuqday rajo la’aan iyo in culays soo food saaray xidhiidhka arimaha debedda Somaliland.
Madaxweynuhu, waxa uu inoo sheegay in Somaliland weyday saaxiibkii ugu weynaa dhanka diblomaasiyadda ee dunida ay ku lahayd oo ahaa Itoobiya, sidoo kale aanay jirin meel aynu kaga jirno dhaqdhaqaaqa isbeddelka siyaasadeed ee Geeska Afrika ka socday sanadkan.

BDAC6A0A-C1BE-4795-AE93-CAC815DA5A26.jpe

Taa beddelkeeda, ma sheegin meelo kale oo aynu uga wareegnay arrimahan, dalal kale oo aynu

garabsano iyo in aynu xulufo la nahay Imaaraadka iyo Maraykanka oo loo malaynayo in ay yihiin awoodaha ka danbeeya isbeddelkan siyaasadeed.
Madaxweynuhu, waxa uu innagu dhiiri geliyay dhabar adayg iyo in Eriteriya u adkaysatay cadaadis siyaadeed muddo dheer, imikana guul lama filaan ah gaadhey. Sidoo kale, dadka Somaliland u diyaar garoobaan adkaysi la mid ah ama kasii muddo dheer kaa Eriteriya iyo halgan danbe oo lagu xaqiijinayo himilada dalkeenna Somaliland.
Hadalkii Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Yamamoto, u sheegay VOA-da, nuxurkiisu ahaa in isaga iyo dawladdiisuba la dhacsan yihiin sida ay wax uga socdaan geeska iyo siyaasadaha uu hormuudka ka yahay Aabi Axmedka Itoobiya. Innaga oo ogsoon in Somaliland iyo Jabuuti daawadeyaal ka yihiin isbeddelka Geeska!
Yamamoto, waxa uu maragga u furay hadalkii madaxweyne Muuse iyo in Somaliland ku jirto go’doon diblomaasiyadeed, xataa aanay saadaalin karin sida xaalku ku danbayn doono.
Haddaba, dadka Somaliland diyaar ma u yihiin dhabar adayg iyo halgan danbe sida Eriterya?
Mahadsanid,

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this