Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Siciid Dheere oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Dheere.jpg?resize=1000%2C621&ssl=1Sarreeye Guud Siciid Dheere oo u tartamaya madaxweyne

Musharraxa doorashada madaxweynaha Puntland ee sannadka 2019-ka sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa maanta oo Axad ah si heer sara loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shacabka fara-badan oo mudda saacado ah halkaasi ku sugayey ayaa musharrax sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyay markii uu gaaray Gaalkacyo,waxaana loo gelbiyay hoyga uu ka degay magaalada.

Musharraxaha oo halkaasi kula hadlay saxaafadda ayaa si weyn uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen bulshada magaalada Gaalkacyo,wuxuuna ka warbixiyay qorshihiisa doorashada.

Mudane Siciid Dheere ayaa inta uu joogo Gaalkacyo wuxuu kulamo la qaadanaya bulshada qeybaheeda kala duwan,isagoo kala hadlaya ol’olihiisa doorashada.

Halkaan ka daawo muuqaal dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Musharrax Siciid Dheere oo lagu soo dhoweeyay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this