Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka qarxay xuduuda Somalia iyo Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal ka qarxay xuduuda Somalia iyo Ethiopia

 itoobiya.jpg

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Kaxandhaale oo dhaca xuduuda u dhaxeya Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xoogan.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in dagalkaasi la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadka dagaalamaya la sheegayaa inay yihiin xoolo dhaqato.

 Walow aan la ogaan karin khasaaraha dagaalka, ayaa haddana wararka aan heleyno waxay sheegayaan in hub culus ay isku adeegsanayaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xuduuda ay ka wadaan gobolka Galgaduud.

Xoola dhaqata ayaa dagaalkooda wuxuu ka bilowday ceel biyood iyo dhul daaqsimeed ku yaala deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud gaar ahaan dhanka xuduuuda , sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this