Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari Xamuul ah iyo mid Land Cruiser ah oo marayay halka loo yaqaano Luga-Baxsi ee magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhimatay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen afar kale, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Dadka ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la dhigay mi ka mid ah Isbitaallada M/ Baydhabo, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Inta badan shilalka Gaari ee ka dhaca gudaha dalka ayaa loo sababeeyaa dhowor arrimood oo ay ka mid tahay Darawallada qaar oo aan qibrad u lahey wadida Gawaarida.

The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this