Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Wasaaradda Haweenka oo daah-furtay ol’olaha dabar-goynta tacaddiyada Haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah  daah-furtay ol’olaha maalinta caalamiga ah ee joojinta  tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Ol’olaha oo socon doona mudda 16 maalmood ah ayaa ku jihaysan wacyi-gelinta bulshada ee cidhib-tirka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka,waxaana laga qabanayaa dhammaan sagaalka gobolka ee Puntland.

Wasiirka wasaaradda Haweenka dowladda Puntland marwo Maryan Axmed Cali ayaa si rasmi ah u daah-furtay ol’olaha,waxaana munaasabadda ka soo qeyb galay,wasiirka Waxbarashada pro Abshir Yuusuf Ciise,saraakiil ka socotay hay’adaha ay wasaaradda shaqa-wadaagta yihiin,haween iyo marti sharaf kale.

Marwo Maryan Axmed Cali,wasiirka wasaaradda Haweenka ayaa sheegtay in ol’olahan ay wasaaraddu qabato sannad kasta ujeedkiisuna yahay in gebi ahaanba la suuliyo tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Pro Abshir Yuusuf Ciise oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada,sidaasi darteedna aan marnaba la aqbali karin in tacaddiyo loo geysto.

Mr Sayed Sahibzada oo ah madaxa hay’adda UNDP ee Puntland ayaa dhankiisa wasaaradda ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto dabar-goynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka,waxaana uu bulshada ugu baaqay in laga-wada qeyb qaato ol’olaha.

Madaxa shaybaarka denbiyada la xidhiidha jinsiga ee (Puntland Forensic Center) Cabdirashiid Maxamed Shire ayaa isaguna bogaadiyay dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto cidhib-tirka tacaddiyada Haweenka.

Axmed Cismaan Aadan oo ka socday hay’adda UNICEF ayaa dhankiisa sheegay in ay hay’addiisu dowladda Puntland si mugleh ugala shaqeynayso dabar-goynta tacaddiyada Haweenka,gaar ahaanna gudniinka oo dhib ba’an ku haya gabdhaha da’da yar.

1-14.jpg?resize=1000%2C509&ssl=1 2-14-1.jpg?resize=1000%2C600&ssl=1 3-15-1.jpg?resize=1000%2C674&ssl=1 22-1-2.jpg?resize=1000%2C568&ssl=1 44-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 55-1.jpg?resize=1000%2C579&ssl=1 66-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 88-1.jpg?resize=1000%2C525&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland: Wasaaradda Haweenka oo daah-furtay ol’olaha dabar-goynta tacaddiyada Haweenka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this