Deeq A. Posted November 25, 2018 Kismaayo (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 20 dagaalame oo Al-shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobalka Jubada dhexe. SONNA ayaa sheegtay in diyaarado dagaal duqeyn ka fuliyeen meel qiyaastii 11km u jirta tuulada Hargeysa yarey Gobalka Jubada dhexe. Goobta la duqeeyay ayaa la sheegay iney shir ku lahayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegtay SONNA, tirada ku geeriyootay duqeyntaasi ayaa lagu sheegay 15 dagaalame oo horjoogayaal sida lagu sheegay qoraalka Wakaaladda SONNA. Ma jirto ilo ka madaxbanaan dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya duqeyn ka dhacay tuulada Hargeysa yarey iyo khasaaraha ay dowladda sheegtay iney ka dhalatay duqeyntaasi. Duqeymaha ayaa maalmahan isdaba joog ahaa, waxaana khasaare badan ka soo gaaraysay Horjoogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites