Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha M/Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Miino la sheegay in lagu diyaariyay Maqaaxi ku taalla xaafadda Cadaado ee magaaladaasi.

Ugu yaraan illaa saddex Qof oo Rayid ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo degaanka ah.

Dadka dhaawacmay ayaa kala ah 2 Caruur oo baalashle ahaa iyo Haweeneydii laheyd Maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga qaraxu dhacayay goobta ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.

Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, xilli la filayo 5 bisha soo socota ee December in doorasho ay ka dhacdo gudaha magaaladaasi.

The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this