Deeq A. Posted November 25, 2018 Jamaame ( Sh. M. Network )-Sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay in ka badan 15 sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale. Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Hargeysa Yarey ee gobolka Jubbada Dhexe, xilli ay ku shirsanayeen ku dhawaad 30 sarkaal oo ka tirsan Al Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in illaa saddex Gantaal oo xoogan lagu dhuftay goobta ay ku shirsanaayeen xubahaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale warkan ku sheegtay in saraakiisha Al Shabaab ee ku sugnaa halkaasi ay ka mid ahaayeen Daahir Gacmay, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Waliid iyo kuwo kale oo intaasi ka badan. Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramayaa in Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan nawaaiga degmada Jamaame ee gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada Muuse Xaaji iyo Araare oo hoostaga degmadaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay in lagu doonayo in Dagaalyahannada Al Shabaab looga saaro degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. The post DFS Oo sheegtay in la dilay 15 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites