Deeq A. Posted November 25, 2018 Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo magaalada Jiigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku warramaya in maanta lagu arkayo Ciidamo badan oo loo soo dhoobay gudaha magaaladaasi. Ciidamadan oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa la sheegay in lagu arkayo Waddooyinka waa weyn ee magaalada Jigjiga. Arrintan ayaa timid, kadib markii dadka deegaanku ay caroodeen xarig lagula kacay Madaxa nabad galyada ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoona shalay rabshado ka dhashay xarigaasi ay ka dhaceen halkaasi. Askartani la soo dhoobay gudaha Jigjiga ayaa ka hortagaya rabshado hor leh oo laga cabsi qabo in ay markale ka dhacaan magaaladaasi. Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay rabshado u dhexeeyay Qowmiyahadaha Soomaalida iyo Oromada ay ka dhaceen magaaladaasi. Rabshadahan ayaa la sheegay in lagu gubay Guryo dhowr ah oo ay daganayeen dad Soomaali ah. Xaaladda ayaa maanta dagan, iyadoona shaqaaqooyinkaasi ay ku baxeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, si looga hortago xiisadaasi. The post Ciidamo Itoobiyaan ah Oo la dhigay Waddooyinka Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites