Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg-deg: Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub Oo Heshiis Ka Gaadhay Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee EU

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee Ingiriiska waxaa ansixiyay hoggaamiyeyaasha reer Yurub, sida uu shaaca ka qaaday madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Hoggaamiyeyaasha-Midowga-Yurub.jpg

Hoggaamiyeyaashan oo gaadhayay 27 ayaa taageeray heshiiska ay Britain kaga baxeyso Yurub kaddib kulan qaatay wax ka yar saacad ay ku yeesheen magaalada Brussels.

Tusk ayaa Sabtidii ka dhawaajiyay in heshiiska qabyada ah la ansixin doono kaddib markii xukuumadda Spain ay ka laabatay go’aankeedii ku saleysnaa mustaqbalka gobolka Gibraltar.

Heshiiska wuxuu u baahan yahay inay meel mariyaan baarlamaanka UK inkastoo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan ay kasoo horjeedaan.

Waxaa la filaya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub 29 bisha Marso ee sannadka 2019-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this