Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo maaliyiin lacag ah ku dul-dhigtay Kooxdii Afduubatay Haweeney Talyaaniga u dhalatay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray magacyada shaqsiyaad la aaminsanyahay inay ka dambeeyeen afduubka haweeney samafale Talyaani ah oo laga soo qafaashay dalka Kenya.

Bogga twitterka booliska Kenya ayaa lagu daabacay magacyada iyo sawirada Sadex ruux oo Soomaali ah kuwaasoo dawlada Kenya sheegtay inay yihiin kooxda qafaalatay Silvia Costanza Romano, oo u dhalatay dalka Talyaaniga una shaqaynaysay hay’ad samafal.

Booliska Kenya waxay sidoo kale Sadexdaan ruux dul dhigeen lacag dhan hal milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 9,750 oo Dollar.

Magacyada ay booliska Kenya baadi goobayaan waxay kala yihiin Ibraahin Aadan Cumar, Yuusuf Kuno Aadan iyo Siciid Aadan Cabdi kuwaasoo lagu eedeeyay inay haweeneyda Talyaaniga ah kasoo qafaasheen goob ay ka shaqaynaysay oo ku taala magaaladda Kaliffi la yiraahdo.

Taliyaha booliska Kenya Joosef Boinnet ayaa sheegay inay xoog badan galinayaan sidii loo soo furan lahaa haweeneydaan gacanta ugu jirta kooxdii afduubatay.

Taliyuhu waxaa uu aad uga gaabsaday inuu si toos ah ugu eedeeyo Al-Shabab inay afduubta ka dambeeyaan.

DswnJUpXoAAIHh5.jpg

DswnJUeXQAYrRo8-Copy.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this