Sign in to follow this  
Deeq A.

“Duqeynta Ka socoto Galmudug mid lamid ah ayaan Hirshabeelle ka bilaabeynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in deegaanada Hirshabeelle dhawaan laga bilaabayo duqeyn joogto ah oo lala eeganayo saldhigyada Al Shabaab ku leeyihiin Hirshabeelle.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Meletariga Maxamuud Maxamed Koronto, ayaa shaaciyay in iyaga oo kaashanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, inay duqeymo ka geysan doonaan deegaanada Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab ayuu sheegay inay ka socdaan deegaanada Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas halkaa oo ciidamada dowladda ay kula dagaalamayaan Al Shabaab.

Arinta ayaa imaanaysa iyadoo saraakiil, xildhibaano iyo ciidamo  Al Shabaab ay ku dileen deegaanada Hirshabeelle, waxaana dhimashada ugu badan ay ka dhacday inta u dhaxeyso Jowhar iyo Balcad.

Waxaa uu sheegay in iyaga oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya Mareykanka ay duqeyn iyo dagaal ku billaabi doonaan AL-shabaab.

Deegaanada Galmudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay duqeyn ka dhan ah Al Shabaab, waxaana saraakiisha Hirshabeelle ay sheegeen in sidaasi oo kale Al Shabaab ugu beegsan doonaan Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this