Deeq A. Posted November 25, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in warbixintii ka soo baxday Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ay doonayeen Xildhibaano ka tirsa BFS in ay ku fushadaan dano gaar ah oo ay leeyihiin . Wasiir Beyle ayaa shaaca ka qaaday in sababta ka dambeysay Warbixintaasi uu u arko mid lagula dagaalamayay isaga, islamarkaana qaar ka mid ah Xildhibaanadu ay weydiisteen in uu u fuliyo mashruuc, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu xusay in Xildhibaanada BFS aan looga baahneyn xilligan in ay ka shaqeeyaan dano gaar ah, lagana doonayo in ay eegaan danta guud ee Qaranka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/shardi.mp3 The post Wasiir Beyle “Waxaa la’igu heystaa Mashruuc ii fuli” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites