Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin badan Oo laga soo badbaadiyay xeebaha Morocco

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabat  ( Sh. M. Network )-Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Milatariga dalka Morocco Meydadka illaa 15 ka mid ah Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa laga soo saaray Xeebaha Badda Mediterranean-ka ee u dhexeysa dalalka Spain iyo Morocco, kadib markii Doontii ay saarnaayeen ay Badda kula Qalibantay.

Sidoo kale, saraakiisha dowladda Morocco ayaa sheegay in 53 ka mid ah Muhaarijiintaasi ay nolol ku soo badbaadiyeen, kuwaas  oo ay ku jiraan 8 Haween ah, islamarkaana ay geeyeen Dekedda Nador ee dalkaasi.

Doontani ayaa la sheegay in ay ka baxday Xeebaha Morocco, islamarkaana ay ku sii jeeday dalka Spain oo xuduud dhanka Biyaha ay wadaagaan dalkaasi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabislan dhanka socdaalka ee IMO ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo Muhaajiiien Afrikaan ah ay sanadkni gudaha ugaleen dalka Spain, halka 630 kalen ay Badda ku dhinteen.

Inta badan Tahriibayaashani ayaa ka cararaya cadaadisyada, colaadaha ka jira Qaaradda Africa, iyagoo doorbidaya in ay Yurub ka raadiyaan nolol dhaanta tan dalalkooda.

The post Muhaajiriin badan Oo laga soo badbaadiyay xeebaha Morocco appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this