Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Ku Hubeysnaa Bambo Gacmeed Oo Codsaday Inuu La Kulmo Madaxweynaha Dalka Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Nin ku hubeysnaa bambo gacmeed ayaa codsaday inuu la kulmo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron xilli dalkaasi ay ka socdaan dibadbaxyo.

104470825_7a3377dc-2770-40c0-97e7-bedc29

Wuxuu codsanayay in dadka dibadbaxyada dhigayay loo ogolaado inay la kulmaan madaxweyne Macron.

Ninkan ayaa lagu xiray galbeedka dalka Faransiiska xilli la arkay isagoo wato bambo gacmeed.

Wuxuu qabay dharka dadka dibaxayada dalkaasi ay xirtaan, wuxuu is dhiibay saacado un badan kaddib markii booliska Faransiiska lagu wargeliyay ninkan.

Dhacdadan ayaa imaaneysaa xilli tobonaan kun oo shacabka Faransiiska ah ay wadaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay.

Sida laga soo xigtay booliska maxalliga, Ninkan 45 jir ahaa wuxuu gacanta ku sitay bambo gacmeed isla markaasna codsanayay inuu madaxweynaha Faransiiska kula kulmo gurigiisa.

Ninkan ayaa lagu xiray goob baabur la dhigto oo la yiraahdo 'Angers'Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionNinkan ayaa lagu xiray goob baabur la dhigto oo la yiraahdo ‘Angers’

Wuxuuna qeyb ka ahaa dadka mudaaharaadayay ee ka careysan qiimaha shidaalka dalkaasi.

Ninka ayaa markii hore wakhti badan la qaatay dibadbaxyaasha kuwaaso ku kulmay agagaarka xarunta laga dukaameysto ee Espace Anjou, sida ay saraakiil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Bernard Gonzalez oo ah sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ee ninkan uu gacanta ku sitay ay hadda baarayaan khuburrada bambaanooyinka isla markaasna uu yahay mid aanan ‘been abuur aheyn’.

Dibadbaxyada oo ku baahay FaransiiskaLahaanshaha sawirkaAFPImage captionDibadbaxyada oo ku baahay Faransiiska

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in dad ka badan 30,000 la filayo maanta inay ka qeyb qaataan dibadaxyada Faransiiska ka socda gaar ahaan magaalada Paris.

Waxaana boolis gaaraya 3,000 loo daabulay gudaha magaalada caasimadda ah oo kaliya ah si ay uga hortaggaan dibadbaxyaasha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this