Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale Caafimaad Oo Shil Ku Dhintay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Ugu yaraan afar qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhintay shil ka dhacay waddada u dhaxeysa magaalooyinka Qabribayax iyo Jigjiga.

104470830_itoobiyashil.jpg

Shaqaalaha oo ahaa saddex rag ah iyo hal dumar ah ayaa ka yimid Dagmada Guunagado oo ay ka wadeen baaritaan la xiriira Nafaqa darrada hooyooyinka iyo carruurta.

Shilka ayaa dhacay kaddib markii ay hawshoodi shaqo soo guteen, waxaana durbaba lagu aasay xabaalaha buurta-Kaara-Mardha ee magaalada Jigjiga.

Cabdisalaan Yuusuf Ibraahin oo ah madaxa baarista shilalka gobolka faafaan ayaa BBC-da u sheegay in shilka uu ka dhashay kaddib markii baabuurkii ay la socdeen shaqaalaha caafimaadka uu si xowli ah ku socday isla markaasna darawalkii baabuurka uu lumiyay kontroolka.

Wuxuu intaasi ku daray in darawaliinta qaar aysan haysanin sharciga ay ku kaxeeyaan baaburta ee dowladda siiso qofka sida habsamida leh u bartay dhammaan shuruucda waddooyinka iyo kaxeynta baabuurta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this