Sign in to follow this  
Deeq A.

Codbixiyeyaasha Dalka Switzerland Oo Go’aan Ka Gaadhaya In La Xoojiyo Shuruucda Maxalliga Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Switzerland)-Codbixiyayaasha dalka Switzerland ayaa maanta u dareeraya goobaha codibixinta, si ay go’aan uga gaaraan in dib loo qoro iyo inkale dastuurkooda si shuruucda maxalliga ah mudnaanta looga siiyo kuwa caalamiga ah iyo heshiisyada ay dowladdu gasho.

104476486_8e86a27a-db8c-479b-982d-933656

Taageerayaasha codbixintan ayaa sheegaya in arrintan ay dimuqraadiyaddii tooska aheyd ee Switzerland dib ugu soo celin doonto booskeedii saxda aheyd, taas oo ah codbixiyayaasha ay yeeshaan codka ugu dambeeya ee siyaasadaha dalka loo dajinayo.

Kooxaha ka soo horjeeda hindisahan oo ay dowladdu ka mid tahay waxa ay ka digayaan in taasi ay horseedi karto in Switzerland ay faraha ka laabato waajibaadkeedii caalamiga ahaa ee ku aadanaa heerka xuquuqda aadanaha iyo weliba heshiisyada ganacsi.

Hindisahan wax looga bedelayo dastuurka dalkaasi ayaa waxaa dabada ka riixaya xisbi u janjeera dhanka midig, xiriir na la leh doorashooyin horay uga dhacay dalkaasi oo lagu meel mariyay arrimo ay kamid yihiin in la yareeyo qulqulka muhaajiriinta iyo in la tarxiilo dadka ajnabiga ah ee dembiyada ka geysta dalka Switzerland.

Xisbiga people’s party ee wadankaasi ayaa waxaa uu sheeegay in waxyabahaasi oo dhan ay daaqadda ka tureen xildhibanaada barlamaanka ee dalkaasi, si loogu hogaansamo shuruucda caalamiga ah oo ay kamid yihiin xuquuqda aadanaha iyo isu socodka xorta.

Dadka qunyar socodka ee dalka Switzerland ayaa caqabad kala kulmayay hey’ado caalami ah oo ay kamid tahay midowga Yurub oo aysan kamid aheyn iyo Qaramada Midoobay oo ay ku biireen sannadii 2002-dii.

Hasayeshee dowladda dalkaasi iyo hogaamiyeyaasha ganacsatada waxaa ay sheegayaan in hindisahan uu yahay mid aad loogu fogaaday, waxaana ay ka digeen in la meel mariyo.

Xukuumadda dalkaasi ayaa sidoo kale sheegtay in hadii la meel mariyo qorshahan wax lagaga bedelayo dastuurka Switzerland uu caqabad horleh ku keeni doono kalsoonida lagu qabo dalkaasi iyo inay waxyeeleyn doonto xuquuqda aadanaha, taasi oo horseedi doonta ayay yirahdeen in la takooro dalka Switzerland siyaasad iyo dhaqaale ahaan ba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this