Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Kulan Dhex-Maray Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Dhiggiisa Dalka Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Uganda)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa shalay ku kulmay qasriga Madaxtooyada Entebbe.

Madaxweyne_Farmaajo_oo_la_kulmey_dhigiis

Kulanka labada Madaxweyne ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban illaa sideed qodob, waxaana ka mid ahaa:-

1. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta (Shalay) booqasho ku tagay dalka Uganda,waxaana si weyn Madaxtooyada Uganda ee Entebbe ugu soo dhoweeyay dhiggiisa Yoweri Kaguta Museveni.

2.Soo dhoweyn diiran ka dib,labada madaxweyne waxay wadahadal rasmi ah ku qaateen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka.

3.Madaxweynayaasha waxay xuseen in ay ku qanacsan yihiin saaxiibtinimada joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaasoo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan,waxayna arrimaha kale ee diirada ay saareen labada madaxweyne ka mid ah arrimaha iskaashiga gaar ahaan qeybaha NabadA iyo Amniga, Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Maalgashiga.

4.Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warbixin kooban siiyay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni. Wuxuu xusay in xaaladda nabad galyo ee Soomaaliya ay si weyn u soo hagaagtay,islamarkaana la wiiqay awoodii Alshabab ee Koonfurta.

5.Wuxuu ammaanay iskaashiga ku-meel-gaadhka ah ee Difaaca iyo taageerada ay AMISOM ku kordhisay geeddi-socodka ku-meelgaarka ah. Waxa uu sheegay in horumarka wanaagsan laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eritariga, iyada oo loo marayo saxiixidda Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadashaqayntu iney fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda wadan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la siinayo goob istaraatiijiga ah.

6.Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo,madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee hubinta nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada gobolka.

7.Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ujeediyay mahad celin ballaaran martiqaad sharafeedka uu u sameeyay iyo mira dhalka wada xaajoodka ay yeesheen, wuxuuna ku boorriyay Wafdiga Soomaalida inay ku raaxeystaan quruxda Uganda ka hor intaanay tegin.

8.Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dhankiisa muujiyay mahad celin iyo qadarinta uu u hayo madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni,Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aadan soo dhoweynta diiran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this