Deeq A. Posted November 25, 2018 Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo xalay ka sameeyay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. howlgaladaan oo ahaa kuwo balaaran ayeey ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafadaha degmada Hodan ee Muqdisho. Ciidamada ayaa baarayay guryaha iyo gaadiidka iyo sidoo kale dadka lugeeynayay ee ku socdaalayay degmadaasi Hodan ee Muqdisho. Inta howlgalka uu socday ayaa ciidamada waxaa ay ku soo qabteen dad aad u farabadan kuwaasi oo u badan dhalinyaro looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal amni daro oo isugu jiro dilal qorsheeysan iyo qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Booliska oo howlgalo ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites