Deeq A. Posted November 25, 2018 Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Farmaajo ayaa lagu wadaa in Nairobi uu kula kulmo dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta oo casuumaad u fidiyay madaxweyne Farmaajo. Kenyatta iyo Farmaajo ayaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan xaaladaha dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab maadaama Kenya ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaalo ku maraya qaar kamid ah wadamada caalamka isaga oo maalmihii la soo dhaafay tagay wadamada Talyaaniga, Turkiga , Uganda haddana ku wajahan dalka Kenya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Nairobi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites