Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo nidaamkii ciidamada ee Muqdisho oo kale ka hir-gelineysa Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada xooga dalka ayaa bilaabay inay safaro ku tagaan gobolada dalka Soomaaliya iyaga oo doonaya inay hergeliyaan nidaam ciidamada ay yeeshaan.

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu doonayo inuu ka sameeyo nidaam ciidamada xooga ay mushaaraadkooda ku qaataan.

Gobolka Hiiraan waxaa ka howlgala Guutada Shanaad ee ciidamada xooga dalka, waxaana magaalada Beledweyne saraakiisha Guutadaasi kula kulmay abaanduulaha ciidamada xooga dalka.

Ujeedada koowaad ee ay saraakiisha ciidamada u tageen magaalada Beledweyne ayaa ah  tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si akoono ugu qaataan mushaarkooda iyo waliba awooda ciidanka.

Sidoo kale Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay doonayaan inay ogaadaan tirada saxda ah ee ciidamada ku sugan gobolka Hiiraan si loogu joogteeyo ciidamada mushaarkooda.

Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay fulinta amarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in laga wada shaqeeyo taakuleynta iyo dhiira gelinta Ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this