Deeq A. Posted November 25, 2018 Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro Joogto ah ka fuliyay bilihii ugu dambeeyay wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo wadada loo galay gaadiid ay la socdeen ciidamo ka yimid dhanka degmada Jowhar. Kororka Awooda Al-Shabaab ee deegaanada u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayaa la sheegayaa inay u sabab tahay deegaano ku dhow degmooyinkaasi oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, iyadoo aan halkaasi lagu weerarin. Waxaa sidoo kale la sheegaa inay sabab u tahay isticmaalka wadadaasi ee madaxda Hirshabeelle oo aad u badan, taasi oo caqabad ku noqon doonta masuuliyiinta Hirshabeelle, maadaama muddooyinkaan ay halis noqotay ku safridda wadadaasi. Warar kale ayaa sheegaya in gaadiidka Dadweynaha aan la gaarsiin wax dhibaato ah, iyadoo la baaro dadka saaran, waxaana laga qaadaa Canshuur, sida darawalada qaar ay sheegeen. Haddii xaaladda wadadaasi sidaa ku socoto waxaa halis isku socodka gaadiidka magaalooyinka Muqdisho iyo jowhar, iyadoo qorshaha uu yahay in dhawaan halkaasi dhismo lagu bilaabo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites