Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada ee DFS oo kulan Ballaaran La yeeshay Jaaliyada Malmö ee Dalka Sweden (Sawiro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Malmö(Sh M Network) – Wadi uu hogaaminaayo Wasiirka Waxbarashada DFS Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaaliyeed Prof. Axmed Maxamed  Jimcaale iyo Hormuudka Kulliyada Waxbarashada iyo Culuunta Bulshada Drs. Fowsiyo Cabdiraxmaan Warsame oo Maalmahan ku sugnaa Dalka Sweden ayaa kulan balaaran la qaatay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Malmö ee Dalka Sweden, Kulankaa oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Urarada Soomaalida ee loo yaqaan Allians Förbund.

Wasiirka Waxbarashada oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey Horumarka ay ku talaabsatay Dawladda FS gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha Caafimaadka iyo Waxbarshada wuxuuna tilmaamay in hawlo kale oo badan ay Dawladda FS ay ku talo jirto sidii ay wax uga qaban lahayd.

Cabdullahi Goodax Barre waxa uu dhinaca kale ka daldabaday Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Malmö inay ka qaybqaataan Horumarinta Dalka gaar ahaan Maalgashiga oo uu sheegay in Xukuumada uu ka tirsan yhay ay diyaar u tahay dhiirigelinta Qurbo joogta doonaysa inay maalgelin ku sameeyaan Dalka, wuxuuna ku booriyey inay u midoobaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu haatan ku jiro loona sii gudbo mid ka sii wanaagsan.

Dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi ka hadlay dad kala duwan oo matalayey qaybaha Bulshada waxa ayna taageero u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Dawladda FS, waxa ay sidoo kale muujiyeen inay diyaar u yihiin sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarinta Dalka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Mubaarak Cabdiraxmaan oo ka mid ah  Golaha Deegaanka ee Aqalka Hoose Magaalada Malmö iyo Cabdulqaadir Future oo ka mid ah Maamulka Gobolka Skåne ayaal abadooduba waxa ay si guud uga warbixiyeen Marxaladaha ay ku sugan yihiin Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada isagu uu metelo.

Masuuliyiin ka tirsan Dallada Ururada Soomaalida ee loo yaqaan Allians Förbund ayaa faahfaahin ka bixiyey waxqabadka  Dallada waxa ayna xuseen in dalladu ay ka shaqayso Dhiirigelinta Waxbarashada, is dhexgalka iyo Horumarinta bulshada, shaqo abuurista, ka hortaga Maandooriyaha, iyo Wacyigelinta Amniga.

Dallada Allians Förbund ayaa waxa ay la shaqaysaa Hayadda loo yaqaan NBV oo ka mid ah 10 Hayadood ee Dalka Sweden ee ka shaqeeya Waxbarashada Bulshada ee aan iskuulada ahayn.

Kulankaasina waxa uu ku soo gebageboobay si heer sare ah.

Daawo Sawirada.

 

10.jpg 11-1.jpg 12.jpg 13.jpg 14.jpg 15.jpg 43.jpg 44.jpg 45.jpg

 

The post Wasiirka Waxbarashada ee DFS oo kulan Ballaaran La yeeshay Jaaliyada Malmö ee Dalka Sweden (Sawiro) appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this