Deeq A. Posted November 24, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo ka dhacay degaanka Golaley oo ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, maanta oo Sabti ah. Wareerarka oo ku bilowday qarax ayaa lala beegsaday kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay Sagaal askari ayaa ku geeryootay, halka tirro intaas ka badan ay kasoo gaartay waxyeelo dhaac ah, sida ay sheegeen dadka degaanka. Sidoo kale, saddex ruux oo shacab ahaa ayaa la hubiyay inay ku dhinteen qaraxyada oo ay xigtay dagaal fool ka fool ah oo dhex-maray xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Ma jiro wax hadal ah oo ku aadan dagaalka iyo qaraxyadda oo kasoo baxay dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab. Inta badan wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad waxaa ka dhaca falal noocaan ah, kuwaasi oo ay Al-Shabaab ku beegsato gadiidka ay saaran yihiin masuuliyiinta HirShabelle iyo ciidanka dowladda Soomaaliya. The post Wararkii ugu dambeeyay weerar oo ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites