Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi Wanagiisa Iyo Xumaantiisa Keeba Badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad badan baa bartan kusoo qoray Muuse nabad ayuu ayuu qaatay markii uu galay Laaska. Anigu ma qabo sidaa.

8669DDE2-605F-4CCA-91CB-080F80613DF4.jpe

Muuse waligii nabad ma qadanayo waayo Muuse nolosha kama amminsana nabad iyo barwaaqo.

Lou Walter wariye la yidhaa ayaa Hillary Clinton u fiirsaday waagii ay Senat-ka soo gashay. Qudbadeedii ugu horaysay, 19 jeer ayay isticmaashay YOU KNOW hal mar ayay 3 jeer isticmaashay YOU KNOW! Aa ayaa iyaduna hadhaysay hadalkeeda.

Aniga oo Walter isticmalaya farsamadiisa, waxa aan maanta tiriyey kalmadaha uu isticmaalay Muuse markii uu Sool joogay.

Nabad waxa uu isticmaalay: 14 jeer
Barwaaqo, horumar iyo khayr: 6 jeer
Midnimo iyo iskaashi: 2 jeer
Caqliga: 2 jeer.

Kalmadahaas oo dhan wanaag weeye, wadartoodu waa 24 jeer.

Muuse hadaba waxa kale oo uu isticmaalay ereyo qadhaadh oo abuuraya jawi foolxun. Hoos kaga bogo.

Collaad: 6
Dagaal: 3
Abaar: 4
Muran/ Puntland iyo Somaliland : 3
Aargoosi: 2
Masiibo: 2
Xabad: 3
Naxdin: 3
Geeri: 1
Goblan: 1
Qori: 1
Qasab : 1
Cabudhin: 2
Jabhad: 1
Khalkhal: 1
Dhibaato: 1
Cimilo xumaatay: 1

Wadarta kalmadaasi waa 36.

24 wanaag ah
36 xumaan ah

12 jeer ayay xumaanta uu gudbiyey dheertahay wanaaga uu sheegay. Siyaasigu waxa uu ka hadlaa wanaag, rajo iyo horumar. Siyaasigu ma aha mid bilaa kalsooni ah oo mar walba yidhaahda: Sidaa ayaa la yidhi, ana waxa aan ka idhi sidaaa!

Hadaad raadinaysid wanaag; wanaag baa laga hadlaa. Qof waanaag raadinayaa collaad iyo abaar kama sheekeeyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this