Deeq A. Posted November 24, 2018 Dad badan baa bartan kusoo qoray Muuse nabad ayuu ayuu qaatay markii uu galay Laaska. Anigu ma qabo sidaa. Muuse waligii nabad ma qadanayo waayo Muuse nolosha kama amminsana nabad iyo barwaaqo. Lou Walter wariye la yidhaa ayaa Hillary Clinton u fiirsaday waagii ay Senat-ka soo gashay. Qudbadeedii ugu horaysay, 19 jeer ayay isticmaashay YOU KNOW hal mar ayay 3 jeer isticmaashay YOU KNOW! Aa ayaa iyaduna hadhaysay hadalkeeda. Aniga oo Walter isticmalaya farsamadiisa, waxa aan maanta tiriyey kalmadaha uu isticmaalay Muuse markii uu Sool joogay. Nabad waxa uu isticmaalay: 14 jeer Barwaaqo, horumar iyo khayr: 6 jeer Midnimo iyo iskaashi: 2 jeer Caqliga: 2 jeer. Kalmadahaas oo dhan wanaag weeye, wadartoodu waa 24 jeer. Muuse hadaba waxa kale oo uu isticmaalay ereyo qadhaadh oo abuuraya jawi foolxun. Hoos kaga bogo. Collaad: 6 Dagaal: 3 Abaar: 4 Muran/ Puntland iyo Somaliland : 3 Aargoosi: 2 Masiibo: 2 Xabad: 3 Naxdin: 3 Geeri: 1 Goblan: 1 Qori: 1 Qasab : 1 Cabudhin: 2 Jabhad: 1 Khalkhal: 1 Dhibaato: 1 Cimilo xumaatay: 1 Wadarta kalmadaasi waa 36. 24 wanaag ah 36 xumaan ah 12 jeer ayay xumaanta uu gudbiyey dheertahay wanaaga uu sheegay. Siyaasigu waxa uu ka hadlaa wanaag, rajo iyo horumar. Siyaasigu ma aha mid bilaa kalsooni ah oo mar walba yidhaahda: Sidaa ayaa la yidhi, ana waxa aan ka idhi sidaaa! Hadaad raadinaysid wanaag; wanaag baa laga hadlaa. Qof waanaag raadinayaa collaad iyo abaar kama sheekeeyo. Source Share this post Link to post Share on other sites