Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Kheyre oo u safraya Canada sanadka cusub bilowgiisa, maxay tahay sababtu

Recommended Posts

Deeq A.   

Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa lagu wadaa inuu booqdo Dalka Kanada Sanadka cusub bilowgiisa.

Sida xogta aan ku heynobRaysal wasaaruhu wuxuu Canada u tagayaa inuu u sharaxo kana raali gamiyo hadalo kasoo yeerey Villa Soomasliya kadib markii Sacuudiga iyo Canada ay Safaaradaha kala qaateen,Sababtoo ah muran lawada wadan ka dhex qarxay kadib markii ay Sacuudigu Xireen ayna jirbdileen Dad Dhalashada Canada heysta



Villa Soomaaliya ayaa xiligaas waxay soo saareen Warsaaxafedeed ay la safteen Dacuudiga.

Warar hoose oo Puntlandi heleen waxay svhegayaan in Canada ay si tartiib tartiiba ay u joojisay kaalmadey siineysay Soomaaliyai iyadoo arintaas lala xiriirinayo.

Safarka Raysal wasaaruhu ku aadi doono Canada ayaa ah mid Canada lagu raali galinayo.

Canada waxay Soomaaliya kacaawisaa dhismaha iyo dib habeynta Hay’daha dhaqaalaha.

Xiriirka Dublamaasiyadeed ee Canada iyo Soomaali wuxuu soo bilowday Sanadii 1963 , Wuxuu dib u istaagay 1991 markii Xukuumadii dhexe ee Dalka burburtay. Sanadkii 2013-kii ayaa Canada dib u furtay Xiriirka Dublamaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya 2013 laakiin tan iyo burburkii Soomaaliya waxay qayb weyn ka qaadaneysay kaalmeynta Soomaaliya.

Puntlandi.com
Nairobi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this