Deeq A. Posted November 24, 2018 Kooxo hubeysan ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo halkaasi marayey. Dad goobjoogayaal ah ayaa Warqabadka puntlandpost u Xaqiijiyey in Rag bastoolado ku hubeysnaa ay toogteen Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladdaoo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo goobta gaaray uma suurta-galin inay gacanta ku dhigaan Kooxdii dilka geysatay,balse waxaa ay halkaasi ka qaadeen Meydka Askariga la dilay. Xasan Maxamed Samatar (Cowke) PUNTLAND POST (Muqdisho) The post Toogasho Caawa ka Dhacday Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites