Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Al-Shabaab oo weerar jid gooyo ah u dhigtay ciidamo ka tirsan Dowladda iyo askar lagu laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya deegaanka Gololey ee degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamo Milatari ah oo ku sii jeeday degmada Balcad lagu weeraray inta u dhexeysa deegaanka Qalimow iyo Gololey.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu qasaare ka soo gaaray ciidamo milatari ah oo saarnaa labo baabuur iyadoo mid kamid ah gaadiidka ay ciidamada saarnaayeen la gubay.

Sidoo kale weerarkan ayaa la sheegay in miino ay la qaraxday baabuur nooca raaxada ah balse lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku sugan deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Milatariga kuwaasoo uu horkacayo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage.

Deegaanka u dhexeeya Qalimow iyo Gololey ayaa waxaa hore dhowr jeer lagu weeraray ciidamo Milatari ah iyadoo sidoo kale lagu diley qarax miino labo xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Balcad
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this