Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Oo ka Dooday Warbixintii guddiga Maaliyadda Ee Golahaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta Dood adag ka yeeshay warbixin Maaliyadeedka Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka.

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa isku khilaafay warbixin ay dhawaan horkeeneen Golaha, taas oo ay ku dhaliileen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ugu horreyn Xildhibaan Maxamed Aadan Cali ( Maxamed Soomaali ) oo ka mid ah xubnaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu tabasho ka qabo hanaankii loo maray warbixintii uu soo saaray guddiga uu xubinta ka yahay.

Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa xusay in fadhiyada Guddiga Maaliyadda uusan laheyn wax kooram ah.

Sidoo kale Xldhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo qeyb ka ah Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa mid sax ah ku tilmaamay warbixintii ka soo baxday Guddigaasi.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in hanaan aan sax aheyn loo maray warbixintiii uu soo diyaariyay guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in hanaan qaldan ay ku timid Golaha Warbixinta Guddiga Maaliyadda, islamarkaana ay soo baari doonaan waxa ka jira warbixintaasi.

The post Golaha Shacabka Oo ka Dooday Warbixintii guddiga Maaliyadda Ee Golahaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this