Deeq A. Posted November 24, 2018 Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan socdaal ka marayay gobollada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,isagoo uga sii gudbay degaanka Tukaraq ee ay isku’ hor fadhiyaan ciidamada labada maamul. Magaalada Laascaanood oo subaxnimadii hore ee saaka bandow la saaray ayaan xilliga uu soo gaaray dad badani waddooyinka joogin,marka laga reebo ciyaal iyo dumar loo sii diyaariyay soo dhoweyntiisa iyo ciidamo fara badan oo dariiq kasta la dhoobay. Hase yeeshee durbadiiba waxaa bilowday muddaharaadyo waaweyn oo looga horjeedo safarkiisa,kadib markii ay dadweynuhu isaga soo baxeen xaafadaha kala duwan ee degmada Laascaanood,taasi oo ku khasabtay in uu si deg deg ah uga sii gudbo dhinaca degaanka Tukaraq. Hadal kooba oo uu ka jeediyay duleedka degmada Laascaanood ayuu socdaalkiisa ku sheegay mid nabad iyo midnimo ku qotoma,waxaana uu ammaan kala duldhacay shacabka SSC,gaar ahaanna gobolka Sool. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu nabad u sido Puntland,islamarkaana uu diyaar u yahay in walaalnimo lagu dhammeeyo colaadda ka aloosan gobolka Sool gaar ahaanna degaanka Tukaraq oo markii horena ka qaraxday amar uu bixiyay Muuse Biixi. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale socdaalkiisa ku tegay duleedka degaanka Tukaarq ee xiga dhinaca Laascaanood isagoo booqday taliska guud ee ciidamada Somaliland ay halkaasi ku leeyihiin. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi iyo shacabka magaalada Laascaanood! appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites