Sign in to follow this  
Deeq A.

Naadiga Kubada Cagta ee Banaadir oo Qaatay Magaca Kooxdii Dowladda Hoose ee Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Naadiga_Minishiibiyo_Dowladda_Hoose_XamaMuqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabadda dib u loogu howlgelinayay Kooxda kubadda cagta ee Dawladda Hoose (Minishiibiyo) ayaa sheegay in dadaal la gelinayo kooxdan, maadaama ciyaaruhu ay ka tarjumayaan horumarka bulshada.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay Caasimadda u leedahay kooxda kubadda cagta ee Banaadir oo la asaasay sanadkii 1963dii, iyadoona noqonaysa kooxda matalaysa Muqdisho ciyaaraha heer Caasimadeed ee caalamka iyo in ay Kooxdan ay waajahadda u noqoto horumarka iyo isdhex galka bulshada.

“Kooxda Dawladda Hoose ee Xamar waxa ay ka mid ahayd qorsheyaashii ugu horreeyey ee la hirgeliyey xornimadii kaddib, taas ayaana muujinaysa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin isdhexgalka iyo horumarka Gobolka. Maamul ahaan waxaan dhexda u xiranaynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn kooxdaan, una dhammeystiri lahayn dhammaan baahiyaheeda asaasiga ah.”

Eng.Yarisow ayaa sheegay in garoonka kooxda Banaadir dhawaan dib loo soo celiyey, laguna wareejiyey maamulka kooxda balse haatan laga shaqeynayo in dib loo dayac tiro iyadoo laga faaiidaysanayo Olalaha Isxilqaan ee ka socda Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Hawl-wadeenada Kooxda Dowladda Hoose iyo xidigihii horay u soo matalay ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada dib u soo nooleynta kooxaha iyo tartannada ciyaaraha, iyagoona soo jeediyey in dib loo soo dhiso kooxdii kubadda kolayga ee Dowladda Hoose oo qayb ka ahayd Naadiga Ciyaaraha Dawladda Hoose ee Xamar.

Naadiga_Minishiibiyo_Dowladda_Hoose_Xama Naadiga_Minishiibiyo_Dowladda_Hoose_XamaNaadiga_Minishiibiyo_Dowladda_Hoose_Xama

PUNTLAND POST

The post Naadiga Kubada Cagta ee Banaadir oo Qaatay Magaca Kooxdii Dowladda Hoose ee Xamar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this