Sign in to follow this  
Deeq A.

Safaarada Mareykanka oo iska fogeysay War been abuur ah oo ay sii deysay Idaacada VOA- Somaali ( Mareykankii bay Puntland moodeen )

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Mareykanka ayaa iska fogeysay oo been abuur ku tilmaantay warka sheegay in Safaarada Mareykanka loo soo rari doono Caasimada Somaaliya ee Muqdish bisha December, warkaas oo ay sii deysay Idaacad VOA-laanteeda afka somaaliga.


ka soo baxay Xafiiska Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay, in aanu jirin, oo aanu sax aheyn oo uu yahay been abuur, isla markaana anu ku jirin wareysigii uu bixiyey Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya Mr. Yamamto, oo lagu sheegay in safaarada Mareykanka loo soo raraayo Gudaha Somalia bisha December 2018, warkaasina uu gaar ku yahay wareyihii Voa-laanta Somaaliga ee wareysiga qaaday Sahra Cabdi Axmed.

Qoraalka Been abuurka ah
Screenshot_20181124-104521_Twitter-229x3

Qoraalka Twitterka la soo dhigay oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu xusay, in Dawlada Mareykanka ay ka go’an tahay xoojint cilaaqadka ka dhexeeya labda dal, kaas oo kor loogu qaadayo degaanshaha iyo nabdgalyada Somaliya.

Qoraalka ka soo baxay Safaarada Mareykanka
IMG_20181124_112211-300x194.jpg

Qoraalka ayaa intaa ku daray in safarda Dibulomaasiinta Mareykanku ku gaala bixinayaan Somaaliya ay qeyb ka tahay dadaalada Mareykanku ku doonayo inuu joogitaan ku yeesho Somaalia.

Fadeexadan ay lugaha la gashay Idaacada VOA-laanteeda Afka Somaaliga ah ayaa dhabar jab weyn ku ah sumcada iyo kalsoonida shacbiga Somaaliyeed iyo midka Caalamkuba ku qabi karaan wararka iyo warbixinaha ah ay sii deyso Idaacadu.

Shacbiga Puntland iyo guud ahaan midka Somaaliyeed ayaa yaqiinsanaa,oo mudo dheer ka cabanaayey in laanta Afka Somaaliga ee Idaacada VOA Mareykanku ay ku sifowday mid aan dhexdhexaad ka aheyn mushukiladaha Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya, marksatana ay ka faafiso warbixino iyo warar been abuur ah oo lid ku ah degenaansha ah iyo nabadgalyada Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this