Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyada DF oo ugafay Xildhibaanadii eedeeyey isagoo isdifaacaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle oo iska difaacaya eedeyntii Musuqmaasuq ee Gudiga Dhaqaalaha Baarlamaanka ay ku eedeeyeen ayaa jawaabo kala duwan kasoo yeereen, shalay Wasiirku wuxuu yiri” Waxaa la igu haystaa Mashaariic la iyiri si hoose noogu fududee”.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Feederaalka ayaa Xildhibaanadu waxay ka codsadeen inuu usoo gudbiyo Documentska saxda ah ee lacagaha maqan meesha ay mareen, iyo Sababta lacagaha loogu isticmaalay dano gaara oo ay kamid yihiin, lacago malaayiin ah Dollar ah oo kontada ay Dad shaqsiyaada kala baxeen, lacago lagu seexday Hotelo, iyo lacago wali dad gaara looga bixiyo Hotelo ay degan yihiin.


Iyadoo Xildhibaanadu ay sugayeen Jawaab ayaa Wasiirka waxaa kasoo yeereay hadalo uu ku weerarayo Xildhibaanada oo ay kamid yihiin, in loogu xanaaqsan yahay mashaariic uu ka diiday Xildhibaanada qaarkood, isagoo hadalka raaciyey, taas ka yeeli mayo.

Baarlamaanku wuxuu Wasaarada Maaliyada ku eedeyey Musuqmaasuq baaxad weyn iyo in la lunsadey malaayiin Dollar. Ilaa hadana Wax jawaab ah kama aysan bixin Xukuumada Federaalku eedeynta ay Baarlamaanku soo jeediyeen laamaha Dowlada.

Puntlandi.com
Muqdisho

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this