Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay gobolka Mudug, kadib markii uu rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamo la socdeen.

Gaarigan ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado, wuxuuna kusii socday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku rogmaday deegaanka Saddex Xiglo.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhintey Labo qof, waxaana dhaawac uu kusoo gaaray 12 sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this