Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Diley K/Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa magaalada Cape Town ee dalka K/afrika waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo halkaasi ganacsi ku lahaa.

Sida ay sheegeen dad ku dhowaa halka dilkan uu ka dhacay, burcaddan ayaa gudaha u galay xarun ganacsi oo uu ku sugnaa muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Hilaal Xirsi Jaamac, kadibna ay halkaasi ku toogteen.

Raggii dilka ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska ee dalkaasi.

Waxaa kordhay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka K/afrika, iyadoo aanay jirin wax ay arrintaasi ka qabatay dowladda dalkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this