Deeq A. Posted November 24, 2018 Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Mailatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda nawaaxiga degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay sidii loo furi lahaa Waddooyinka soo gala degmadaasi oo ay ay go’doomiyeen Al Shabaab. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyoka waday degmada Beled-Xaawo, iyagoona laba maalin ka hor Nabaoon caan ahaa ku dilay gudaha degmadaasi. The post Howlgallo waddo furis ah Oo ka bilowday gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites