Deeq A. Posted November 24, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Militariga dalka Uganda David Mahuuzi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo sidoo kale hoggaanka guud ee AMISOM. Taliye Mahuuzi ayaa sheegay in uu Soomaaliya u yimid sidii uu qiimeyn ugu sameyn lahaa sida Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha dalka ay u wajahayaan howlgalladooda ku aadan qorshaha QM ay u dajisay in ay ku howlgalaan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale waxa uu xusay in Cidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya in ay haatan u gudanayaan waajibaadkooda si waafaqsan Nidaamka ay u dajisay Qaramada Midooobay, islamarkaana ay xooga saarayaan, sidii ay u soocelin Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo ka socda Midowga Africa u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007-kii, iyadoona haatan in ka badan 6000 oo Askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. The post Taliyaha Milatariga Uganda Oo la kulmay hoggaanka AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites