Deeq A. Posted November 24, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab sababay khasaaro Hantiyadeed oo barqanimadii maanta ka kacay Guri ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka degmada Kaxda C/naasir Cali Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Dabkaasi. Waxaana uu sheegay in uusan geysan wax khasaare Nafeed ah, marka laga reebo mid Hantiyadeed. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/db.mp3 The post Dab geystay Khasaaro Oo ka kacay degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites