Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar jidgal ah Oo ka dhacay duleedka degmada  Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad ( Sh. M. Network )-Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya weerar jidgal ah oo Al Shabaab ay ku qaadeen kolonyo mareysay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kolonyadan oo ka koobneyd laba Gaari oo Hoomey ah ayaa la sheegay in lagu rasaaseeyay agagaarka deegaanka Gololey ee gobolkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gawaaridaasi ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka soo ambabaxay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Sidoo kale, warar kale ayaa ku warramaya in Gawaaridaasi ay saarnaayeen dad shacab ah, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin wararkaasi.

Ugu yaraan illaa 3 Qof oo Rayid ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Sh/ Dhexe ayaa wax ay  ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkaasi.

Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dhacdadaasi weerarkaasi.

Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya Wadda xiriirisa magaalooyinka  Balacad iyo Jowhar ee gobolka Shabaeelaja Dhexe.

The post Weerar jidgal ah Oo ka dhacay duleedka degmada  Balcad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this