Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Barlaamanka iyo Guurtida Doorosho La’aan Ma Shaqeynayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa la filayey in sannadka soo socda bixishiisa seddexaad in la qabto doorashooyinkii Barlamaanka iyo kuwii dawlada hoose. Lakiin, sida la isla dhexmarayo, waxaad moodaa in uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland damacsanyahay in dib loo dhigo. Arrintani ma aha mid qancinasa ummada Somaliland iyo asxaabta caalamkaba.

7043D326-8D3B-49F5-8B06-7F1C4D03A209.jpe

Arrinta ka dhex muuqata sababaha dib u dhaci ku sameyn karta doorashooyinka waxaa ugu horeysa, saami qaybsiga kuraasta Barlamaanka. Dastuurka Somaliland wuxuu go’aamiyey in 82 kursi uu ka koobnaado Barlamaanku. Haddii ay noqoto in al kordhiyo kuraasta, ma aha arrin u taala Barlaamanka xilligan fadhiya.

Adduunka lagama maqal Barlamaan

fadhiyey in 13 sannadood! Waa arrin cajiib ah. Haddii uu Barlamaankani awoodi kari waayey in uu sameeyo saami qaybsi cusub, waa in la doorto xildhibaano cusub oo sameeya sharciyo cusub. Barlamaanka fadhiyey in ka badan 13 sannadood, ma aha mid dalka iyo dadka wax u kordhinaya, waa siyaasiyiin mushahar uun guranaya, oo ka dhigtay shuqul.

Waxaa loo baahanyahay in aan doorashooyinka dib loo dhigin. Waa in la doorto Barlamaan cusub iyo dowladdo hoose oo cusub.

Marka dooroshoyinka la qabto, waa in loo soo jeesto Aqalka Guurtida, oo isaguna ilaa iyo 20 sannadood fadhiyey. Sida la wada ogyahay Guurtida lama doorto, oo dastuurku wuxuu ugu talo galay in uu noqdo aqal ah, la taliye iyo aqbalaad, “Advise and consent”. Lakiinse, wakhtigan la joogo, Guurtidii, waxay noqotay meel la iska dhaxlo, waxay u baahantahay dib uu eegid iyo horumarin.

Ma filayo in ay ummada Somaliland kasoo horjeedo in ay Guurtida noqoto aqal ka kooban bulshooyinka dalka oo dhan, lakiinse wuxuu u baahanyahay xilidhibaano cusub iyo xirfado cusub.

Somaliland waa dal qaan gaadhiyey oo leh dad waxbartay oo khibrado kala duwan leh, waa la soo dhaafay wakhtigii lagu shaqeyn jiray siyaamo bulsho ama qabiil. Waddanku dastuur buu leeyahay, sharci buu leeyahay, la iskuma wadi karo arrin sharci iyo arrin qabiil.

Markaa waa lama huraan in la qabto doorashooyinka Barlamaanka iyo dawlada hoose. Kadibna waan in laga shaqeeyo Golaha Guurtida.

Dastuurku waa sida buug had iyo jeer la qoraya, marna wax lagu darayo, marna wax laga bedelayo, lakiin ma shaqeyn karo haddii golayaashii maamulihaa ay iyaguba fadhiisteen.

Allaa Mahad Leh

Ahmed Kheyre
ruraledcomm@yahoo.co.uk

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this