Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo dood adag ka yeelanaya Warbixintii Musuq maasuqa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay dood adag ka yeeshaan Warbixintii Musuq maasuqa la xiriirtay ee dhawaan ay soo saareen guddiga maaliyadda baarlamaanka dalka.

Guddiga maaliyadda baarlamaanka ayaa maanta hor geynaya xildhibaanada warbixinta la xiriirka miisaaniyadda sanadkaan aynu ku jirno ee 2018, taasi oo dood badan ka dhex dhalisay xildhibaanada.

Warbixinta ayaa ku eedeyneysay maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda inay sameeyeen musuq maasuq badan oo dhanka dhaqaalaha la xiriira, walow wasaaradda maaliyadda ay ka jawaabtay arintaasi.

Guddiga maaliyadda ayaa warbixinta ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in maamulka gobalka Banaadir uu soo galay 2018-ka qarash gaaraya 25 Milyan oo dolar, halka qasnadda dowladda hoose ee xamar lagala baxay in ku dhow lix Milyan oo doolar, taasi oo aanan la ogeyn halka ay ku baxday.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta ka doodi doona arintaan, waxaana laga baqayaa inay xiisad ka dhex dhaliso xildhibaanada taageersan xukuumadda iyo kuwa mucaaradka ku ah.

La soco waxii kasoo kordhaa kulanka maanta Insha allah.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this