Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaxal Sugaha Sacuudiga oo hal arin ka codsaday madaxweynaha Erdogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ku soo kordhaya kiiska dilkii wariye Jamaal Kashoqji, waxaana dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu dalbaday inuu la kulmo madaxweynaha Turkey.

Diblumaasi sare oo reer Turkey ah ayaa shaaca ka qaaday in Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkey Erdogan, waxaana la ogeyn go’aanka uu qaadan doono madaxweyne Erdogan.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa shaaca ka qaaday in Turkey aysan waxba u arag kulan dhexmara madaxweynahooda iyo dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Maxamed Bin Salmaan, ayaa doonaya in Erdogan uu kala hadlaa dhameynta Kiiska Magac xumada u horseeday boqortooyada Sacuudiga iyo Shaqsiyadiisa ee Dilkii Wariye Jamaal Kashoqji.

Lama oga jawaabta uu bixin doono Erdogan, maadaama diblumaasiga sare ee reer Turkey uu shaaciyay in Maxamed Bin Salmaan uu doonayo la kulanka madaxweynaha dalka Turkey.

Sacuudiga iyo Turkey ayaa xiriirkooda uu hooseeyay waxii ka dambeeyay markii sanadkii 2017 la go’doomiyay dowladda Qatar, iyadoo Erdogan uu la saftay dowladda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this