Deeq A. Posted November 24, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxaya Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ku guuleysteen in la fashiliyo qarax miino oo lagu aasay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Taliska NISA ayaa shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen la shaqeynta laamaha ammaanka. “Wada shaqayn dhaxmartay Ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino Al Shabaab ay u galiyeen dhulka, si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan,Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya Al Shabaab ”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay NISA Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada ammaanka ayaa sare u qaaday howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. The post Ciidanka amniga Oo fashiliyay qarax lagu aasay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites