Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo Gaadiid ka Afduubtay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii Gawaari kala duwan ay ka afduubteen inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee Koonfurtaa Soomaaliya.

Gaadiidkan oo isugu jiray kuwa qaada Xaamuulka, kuwa Nuuca Raaxada iyo Cagaf Cagaf ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay Afduubteen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadkii la socday Gawaaridaasi ay Al Shabaab horay u kaxeysteen.

Lama oga illaa iyo hadda u jeedada rasimiga ah ee Al Shabaab ay u qafaasheen Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday intaba.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Al Shabaab warqado ay dadka deegaanku uga digayaan in ay la shaqeeyaan maamulka Beled-Xaawo ay kudaadiyeen degmadaasi.

The post Al Shabaab Oo Gaadiid ka Afduubtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this