Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo Budhcad Koonfur Afrikaan Ah Oo Dil U Geystay Ganacsade Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Cape Town)-Allaha u naxariistee Hilaal Xirsi Jaamac oo kamid ahaa dhalinyarada Soomaali ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika ayaa kooxo burcada Koonfur Afrikaan ah waxa ay ku dileen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa la sheegay in goobtiisa ganacsi ay ugu tageen burcad Koonfur Afrikaanka isla markaana rasaas ay kala dhaceen qeybta sare ee jirkiisa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal u ahaa dhacdada lagu dilay marxuumka.

hilaal-720x430.jpgMarxuumka la dilay ayaa kamid ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaanay xaafada Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town .waxaana la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika.

Kooxihii burcad Koonfur Afrikaanka ahaa ee dilay marxuumka ayaa la sheegay in ay baxsadeen ka hor inta ay ciidamada Booliska gaarin goobta uu dilka ka dhacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ay ka dhacaan dilal loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this