Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex sabab dartood oo ay reer Koonfur Galbeed u doonayaan Roobow

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Sida la filayo waxa ay dhawaan Koonfur Galbeed yeelan doontaa madaxweyne kaddib Shariif Xassan oo uu ka dhammaaday waqtigii kaddibna is casilay.

Hase ahaatee kala qeybsanaan iyo walaac weyn ayaa ku hareereysan aayaha Koonfur Galbeed xili shacabka iyo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiita ay aad u doonayaan Mukhtar Roobow.

Saddex arrin ayaa loo sababeynadaa taageerada weyn ee uu Roobow haysto.

1 – Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe oo xilal qabtay

2 – Robow oo ku dhaartay in uu saddex qolo uu ka sifeyn doono Shabeellaha Hoose

3 – Dowladda oo taageereysa Lagta Gareen

Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe

Qodobkan waa mid ugu adag ee ay ku doodayaan reer Koonfur Galbeed iyaga oo aaminsan in haddii Sheekh Shariif noqday Madaxweynaha Somalia isaga oo urur diimeedyada ka tirsanaa, oo Axmed Madoobe oo Shabaab ahaa noqday Madaxweyne, maxaa u diidya Roobow isna?

Doodan oo ah mid aad u daciidf ah ayaa riixeysa shacabka Koofur Galbeed, waayo, Sheekh Shariif waligii ma noqon Al-Shabaab oo waxa uu ahaa hoggaamiyihii maxkamadaha oo ay Shabaab sida qarsoodiga ah ugu dhex jireen.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe aragtida lama wadaagin Al-Shabaab, waxa uuna u muuqday mid dano siyaasadeed lahaa. Waxaa u dheer in uu Kismaayo ku qabsaday jabhad Kenya taageero ka haysatay oo Raaskambooni loo yaqaan xilli uu marar badan caddeeyey sida uu uga aragti duwaanaa aragtida (Ideology)-ga Al-Shabaab.

Robow wali lagama hayo sida Xassan Daahir Aweys oo dowladda u xiran in uu si rasmi ah uga tanaasulay fikirkii kooxaha xagjirada ah.

Robow iyo Shabeellaha Hoose

Mukhtaar Robow markii uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa waxa uu khudbad ku sheegay in uu saddex qolo ka sifeyn doono Shabeellaha Hoose.

Saddex qolo waxaa loo kalafasirtay in ay kala yihiin; Al Shabaab, Qabiilada iyo Tuugada.

Roobow waxa uu saddexdan qolo ku sheegay in ay iyaga u xiran tahay wadooyinka xiriiriya gobolladaas iyo Muqdisho.

Dowladda iyo Lafta Gareen

Shacabka Koonfur Galbeed waxa ay si buuxda uga soo horjeedaan Lafta Gareen oo ay ku tuhunsan yihiin in uu garab ka helayo dowladda.

Arrintan waxa ay u arkaan mid dowladda ikhtiyaarka uga qaadeyso shacabka Koonfur Galbeed oo iyagu doonaya Roobow oo aan wali si rasmi ah u xaqiijin maba’diisa Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Lafta Gareen waxa ay u arkaan in uusan ka soo jeedin Digil iyo Mirifle oo uu asal ahaan yahay Mareexaan! Laakiin sida cad, Lafta Gareen waa Hariin oo hooyadiis ayaa ah Mareexaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this