Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarada Al Shabaab ee Beledxaawo oo badali kara go’aanka Dowladda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ciidamo taageersan waxay weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday taliyaha amniga degmada Beledxaawo xilli uu marayay meel aan ka fogeyn degmada Beledxaawo.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo ka dhacay agagaarka wabiga Mara degmada Beledxaawo, iyadoo dadkii dhaawacmay la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada.

Taliyaha amniga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo C/Waaxid, ayaa kasoo laabtay Degmada Doolow isaga oo kusii jeeday Beledxaawo, waxaana xalay Al Shabaab la sheegay inay weerar kale ka geysteen duleedka degmada Beledxaawo.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaas ay Al-Shabaab ku qabsadeen Gaari ciidan, inskatoo cid madax banaan aysan weli xaqiijin.

Lama oga khasaaraha dagaalkii xalay ka dhacay degmada, Laakiin waxaa sii kordhay xiisadda iyo cabsida ka taagan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Arinta ayaa saameyn ku yeelan karta qorshe dowladda Kenya ay damacsaneyd oo aheyd in dib loo furo xuduuda u dhaxeysa Beledxaawo iyo Mandheera oo muddo badan cabsi amaan u xirneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this